Maandalacda jiraa
Muhiim weeye diintuye
malag inuu ilaahay
macalin nabiga uga dhigay
maan daalacdaa jira
mawlee deeqsi weeye
muumin nimo lillaahiya
marinkii rasuulkiyo
maslaxaad inay tahay
meel fican lagu tago
maandalacdaa jiraa
maabkii ilaah iyo
majarahu inoo dhigay
mara yidhi dadkay gow
maan daalacdaa jira
muunkaa cadceediyo
fayska maaris laga helay
amaa meel kasii dheer
maan daalacdaa jira
maskax reer galbeed iyo
midhka laga hadoodilay
maan daalacdaa jira
maska joohoradiisani
malagii dilaayiyo
mus cadaawe inay tahay
maangabka lagu xado
maan daalacdaa jira
masalooyin waa weyn
midhna aanan qaban Karin
maantiyo shalaytaba
maan daalacdaa jira
midka miyirku qoon mee
maankiyo xiskiisiyo
maridii halkaa dhigay
mafaatiixda lagu furo
mawleheenu siiyo
maxfuudal qalam ka ah
murti waliba kalabaxa
maan daalacdaa jira
mugdi iyo habeen dama
meel aan iftiimayn
maskax diyo wadnaa qala
maan daalacdaa jira
waa masalo cajiibee
mucjisooyin waa wayn
midhka sheekhu so wado
isagoo an wali mariin
muftigii cilmigu degay
maan daalacdaa jira
midka aan hadaaq baran
maweeladiisiyo
maslaxaada lagu habo
maan daalacdaa jira
mayeedhan ci`diisoo
midhkan aadan garanbuu
maandhaw fahmaayo
way u mohoraa sheegtan
mar marbu mudh iyo gacan
meel cidlaa ah istagaa
ku muurmaan waraabaa
maan daalacdaa jira
mucjisada barmuudiyo
magnadka layaabkalee
mawjadahan is dhaarsaday
meeshan ay wax geeyaan
baddaa laga macsuuma
maan daalacdaa jira
meelo aan la helin wali
masalada arhaamtiyo
waxa meesha lodhigay
mistariga ku hoosjira
maan daalacdaa jira
waxaan maanku keeneyn
maalintiyo habeenkaa
marka ay is waayaan
midhka u habeen rabo
inu malinta u diro
maasayjkiyo farimaa
isaguu u mariyaa
mahad bay u ceelisa
malintuna sido kale
murti culus ninkii siday
No comments:
Post a Comment