geedyahaw gaboobe
geeskastaba u baxaye
guyaal iyo guyal badan
gabigeed aduunyadu
geedii uun ku dhaftoow
guutooyin xoogliyo
maxa geesh is aragteen
waan lagaa guraynine
guudkaaga suugan
gufacooyin xoogliyo
inta gabayo yuurura
guuxodaa i kiciiyee
gubaabo iga maqan
aan guntado xogtaadee
ma gaagaab sana hadal
geedkii baa hadloo yidhi
gabadh yahay layaabkali
ala geesi sanidaa
maadigu garaadka
geed warayso kugu yidhi
mise guurti maqanoo
wax aan muqan garataa
garabdaar wadaagtaan
gaagaabsan maynee
adiga godlee maal
murti gaax sanaydiyo
gobodiyo warkana qabo
gudbi hadaladaydoo
tariikh gun dheeriyo
waxaan galabta kuu dhigo
gaadhsii aduunyada
gidigeed ha maqashee
balse gabadhi yaabkii
gadaal bay u boodoo
waa lagu gabanaya
gareedkeedi siiyoo
iska eegtay goonyaha
markay garatay geedkani
inuu yahay mid gaaroon
gunta ruuxna ugu jirin
hadal waxa ka so go,ay
gar darayso moyee
geed jawaab kamaan filin
waa se xaajo gaaroo
garashada dad baa jira
guule ugu deeqee
isagoo aan gaagixin
siiwaday gartiisii
wuxu yidhi ma gadhine
idhagayso ganyahay
gunta qolafta fuushiyo
guud kaygaad ka aragtaa
guyaal baddan inan jiray
godobna waan tirsanayaa
gam waxaa ka siiseen
gaboodkii aduunkiyo
geedaha dirkoodii
intaan gacal wadaagniyo
dhirtii igu gadanayd
inta gudin af-wayniyo
birta lagu garaacaa
marka aa gamuurtaan
guntaa xididku fiilaa
gurma go’anku weligii
gadaal waa ka bixi jiray
balse gooshkan maanta ah
guuldaradu waxay tahay
goyntaaba dhaantee
kol hadii dab lagu gubo
dhuxulna loo gol leeyahay
gayigu waa naabad guur
danbigaad gasheen baan
gu’ga roob u waayoo
gurboodkiina bixi waa
ma waxaanay garanayn
gabigeed aduunyadu
midho gaajo reeboo
aan laga gadaynbaa
guudkayga saarane
gurta oo ilaashada
ilma guuldaro u joog
ma waxaanay garanayn
gabadh kii u guuxiyo
gabankii kalgacal galay
gashaantiduu markaa rabo
aanu igaa gooya
garo oo jacaylkaba
ubaxay ku garanlayd
bi’i waaa garaadoow
ma waxaanay garanayn
gabashada asturanee
gabadhiyo ninkeediyo
labadii gayaan ihi
gaar isugu xiloodshaan
guryahan aad ku nooshin
gabadanada laga galo
ama gabi dugaagaba
maraa gooni baxay iyo
in galoolka laga helo
ma guddaan abaalkee
ma waxan la garanayn
gidigoodba geeduu
inay gu’ iyo jiilaal
karboona gubayaan
ogsajiina gadayaan
gebigoodba noolaha
galad looga dhegayooy
ugu baahanyiin gaar
garashadiinan yaabkali
bal inay gabtahyoo
gudcuraa gudaysaan
gees kale aan ka eegnee
golii dawladiiniyo
guurtidi maxay tidhi?
Sida lay gelaayaa
Bal inay gurcantahay
Ma gudoonsadeenoo
Weli xeer ma gadheen?
Gafka dhacay hadaydaan
Weli kaba galiilyoon
ma garaad shaqeeyaa
gayigaba ka waydeen?
gooblan talo aduunyooy
maskax gaabisaan nacay
godob ban tirsanayaa
gabadhii waxay tidhi
inkastoonan geedoow
geestan aad u boodiyo
waxanoo galilya ah
golahaba ka filahayn
gardarada umaan bogin
ka garabay sheekada
bal inay gar qataan
ganaaxaan danbiilaha
hadii guule igu simo
waan gaadhsiin aduunyada
godobtaad tirsanaysee
guubaabo meel mara
geedyaw aan ku siiyee
guunbaan ku modee
gadaal dhalad inaad tahay
goordanbaan xaqiiqsay
wararkuba kumay galin
bal websaydhkan gaar ka ah
gaaroodi soo eeg
cidiyaa anaa guray
adnaa lamahaad guubi
gurigood ba weyoo
iyaba ways gumaadaan
hubay isku garaacaan
gaar ahaan dadkaygana
qabiilbaba guursaday
geesina ma noolee
garabkaga geedyaw
goordanbiyo is arageen
No comments:
Post a Comment